Nashaadka Madadaalada iyo Maktabadaha Hume
Waxaan ku leenahay adeeg maktabadeed oo bilaash ah shan goobaad oo ah Hume, iyo sidoo kale maktabad wareegta iyo adeega maktabada guriga. Waxaan sidoo kale leenahay ururin fara badan oo ah wargeysyada iyo buuggta aan Ingiriiska ahayn oo aad ucaareysan karto carruurta dhalinta yaryar , sheekooyinka dhabta ah iyo kuwaan dhabta ahayn, qaamuusyada, buugta cilmi baarista, joornaalada bilaha ah iyo buugta dhalinyarada loogu talalgalay. Waxaad sidoo kale ku isticmaali kartaa interneetka bilaash maktabadahayaga. Xubin ka noqoshadu waa bilaash isla markaad ku soo biirto waxaad booqan kartaa mid kasta oo ka mid ah laamaha shanta Makhtabadood ee Hume.
Dhammaan maktabadahayaga waxay bixiyaan wakhtiyada sheekada ee loogu talagalay carruurta kindhada laga bilaabo dhalashada ilaa shan sanno jir. Waxaan sidoo kale ku bixinaa wakhtiga kulamada sheekada oo Carabi ah, Assyrian, Hindi, Turkish iyo Fiyatnaamiis.
Maktabada Age waxay ku taal 1093 Pascoe Vale Road, Broadmeadows 3047
Taleefanka: 9356 6900
Maktabada Craigieburn waxay ku taal 59 Craigieburn Road, Craigieburn 3064
Taleefanka: 9356 6980
Maktabada Sunbury waxay ku taal 44 Macedon Street, Sunbury 3429
Taleefan: 9356 6970
Maktabada Gladstone Park waxay ku taal Taylor Drive, Gladstone Park 3043
Taleefanka : 9356 6990
Maktabada Tullamarine waxay ku taal 58 Spring Street, Tullamarine 3043
Taleefanka: 9356 6966
Xarumaha Bulshada iyo Guryaha Neighbourhoood
Waxaa jira tiro ah guryaha neighbourhood ka iyo xarumaha bulshada ee waxbarashada Magaalada. Goobahan waxay bixiyaan barnaamijyo fara badan oo ah waxbarashada, madadaalada , caafimaadka iyo hal abuurkaba. Waa maxay sababtu la xiriir iyaga si aad u aragto inay hayaan nashaad aad xiiseynayso? Liis dhameystiran oo ah guryaha neighbourhood ka iyo xarumaha bulshada ee waxbarashada waxaa laga heli karaa tusaheena bulshada.
Xaggee baan ka baran karaa Ingiriiska?
Lerni - website ka Waxbarashada Luuqadaha badan.
Booqo Lerni si aad u hesho fasalada Ingiriiska. Macluumaadka waxaa lagu bixiyey luuqado fara badan oo bulsho - www.lerni.net.au (external website link).
Goobta jimicsiga iyo berkadaha dabaasha
Xarumaha madadaalada waxay bixiyaan wax kasta oo aad rabto, oo ay ka mid yihiin, jimicsiga, berkadaha dabaasha, fasalada jirdhiska, kafateeriyada, biyo kulul iyo uumiga (saunas, spas) iyo ka badan. Waxaan sidoo kale bixinaa tiro tasiilaad ah oo caawiya dadka iinta leh si ay u isticmaalaan xarumaha.
Xarumaha Madadaalada Hume Goobahey ku yaaliin:
Xarunta Madadaalada Broadmeadows waxay ku taal geeska Pearcedale Parade iyo Dimboola Road, Broadmeadows 3047
Taleefanka: 9309 8500
Xarunta Madadaalada Craigieburn waxay ku taal Craigieburn Road, Craigieburn 3064
Taleefanka: 9308 2022
Xarunta Madadaalada iyo Biyaha Sunbury waxay ku taal 20 Ligar Street, Sunbury 3429
Taleefan: 9740 9766
Feestooyinka iyo munaasabadaha
Feestooyinka iyo munaasabadaha waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha Hume maadaama ay ku kulmiyaan bulshada dabaaldeg oo ay noo ogolaanayaan inaan sharaxno oo sahamino qaninimada dhaqanka iyo kala duwanaanta magaaladeena . waxaan qabanaa feestooyin badan sannadka oo dhan, oo ay ka mid yihiin Feestada muusiga Hume ee xilliga guga, feestada Broadmeadows oo ah Nofeembar, Carols oo ay qabtaan Candlelight Diisembar iyo Feestada Craigieburn ee Febaraayo. Kooxo badan ayaa ku sameeya dhacdooyin iyo feestooyin Hume dhexdeeda.
Baaggaga iyo garoomada cayaarta
Baaggaga Hume waxay bixiyaan tasiilaad fara badan, oo ay ka mid yihiin barbakiyuuga, musqulaha , sagxada jilitaanka, kursi dhigida, buundooyinka, pergolas, garoomada cayaaraha, BMX iyo baaggaga skate ka. Waxaa ku yaal baaggag iyo garoomada cayaaraha dhammaan Hume.
Cayaaraha iyo madadaalada
Magaalada Hume waxay bixisaa fursado fara badan oo kala duwan oo ciyaareed iyo madadaalo oo loogu talagalay degenayaasha dhammaan da'a kasta jira, oo ay ka mid yihiin kubbada baasketka, kiriketka, softball, kubada koleyga, badminton, tennis ka, kubadda cagta, lawn bowls iyo fuutiga.
Lugeynta iyo baaskiil wadida
Arag sawirka magaalada, midkood lug ama baaskiil ado isticmaalaya wadooyinka lugeynta iyo baaskiilada oo fara badan.
Type the code from the image